Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay  Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Hayat ee magaalada Muqdisho Jimcihii 19-kii Ogosto 2022,.weerarkaas oo xalay saqdhexe soo gaaray.

“ATMIS waxay muujineysaa inay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u sii wadaan dagaalka wadajirka ah ee lagula jiro argagixisada, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen. ATMIS waxay u rajaynaysaa kuwa ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah.

Sidoo kale waxaa jira dalal cambaareeyay weerarka Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho sida, Mareykanka iyo Turkiga.