Mid ka mid ah garsoorayaashii ugu caansanaa Mareykanka oo geeriyootay

Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka.

Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir.

“Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts.

Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda.

Dhimashada Ginsburg ayaa siineysa Madaxweyne Donald Trump suurtagalnimada inuu sii ballaariyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowaaneyso.