Dadka Deegaanka Oodweyne ee degmada Dayniile ayaa xaqiijiyay waaberigii saaka inay arkeen meydka wiil dhalinyaro ahaa oo dhex yaalla Xaafada.
Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa jirkiisa waxaa ka muuqanaayay tooreey iyo Xarig in lagu dilay, waxaana qaybo ka mid ah jirkiisa ku yaallay, dhaawacyo loo geystay.
Lama oga cida ka dambeysa dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa loo geystay iyo sababta loo dilay intaba, balse dadka deegaanka waxa ay sheegeen inaysan aqoon wiilka la dilay oo uusan deganeyn Xaafada.
Dadka deegaanka ayaa meydka wiilkaasi dhalinyarada ahaa waxa ay sheegeen in loo qaaday xarunta CID ee Degmada Hodan, si halkaasi ehelkiisa meydka ay uga hagaagaan.
Wiilkaan dhalinyarada ahaa ee la dilay, ayaanan la ogeyn halkii uu deganaa iyo magaciisa, inkastoo saaka dadka xaafada Oodweyne ay hadal hayaan dilka naxdinta leh ee Wiilkaasi loo geystay.


