Muwaadin Soomaali ah oo medydkiisa lagu arkay goob Tareenada laga raaco ee dalka Jarmalka

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa lagu arkay  goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee meydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Saraxdiid, kaasoo ka mid ahaa dadka magangalya doonka ah ee dhawaan tagay dalkaas Jarmalka.

Jaaliyada Soomaalida ee dalka Jarmalka   ayaa ku wargelisey Booliiska Magaalada Marburg geerida muwaadinka Soomaaliyeed ee loo maleynayo inuu tareenku jiiray.

Ma cada in wiilkaan Soomaaliga ah uu isku dhigay Tareenka iyo in kale, waxaasa Booliiska oo magaaladaasi ayaa sheegay  in ay wadaan baaritaano ku saabsan waxa sababay  geerida muwaadhinkaas , islamarkaana ay soo saari doonaan natiijada kasoo baxda baartaanka.