Wararka naga soo gaaraya degaanka lagu magacaabo Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saaka lagu arkay Meydadka laba Ruux .
Labada ruux ee Meydkooda laga helay Xeebta ayaa Jirkooda waxaa ka muuqatay Rasaas.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Sheegay in dooni xalay Saqdii dhexe timid xeebaha degaanka ay soo tuurtay Meydadkaasi.
Dadka degaanka ayaa ka naxsan dhacdadaan Xanuunka badan.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degaanka oo ku aadan Meydka labadaasi qof ee lasoo dhigay Xeebta degaanka Durduri.



