Meydad laga soo saaray dhismayeyaal ku burburay Qaraxyadii Muqdisho

Howlgal ballaaran ayaa wali ka socda Hoteelka Makamah Al-Mukaramah iyo dhismayeyaasha ku dhegan, kuwaasoo la doonaayo in lagu soo Afjaro weerar Saacaddo badan qaatay oo Kooxo hubeysan ay halkaasi ku qaadeen Xalay.

Kooxda Gurmadka deg deg ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ku dhawaad 10 ruux ay kasoo saareen dhismayaal dumay oo ku yaalla Agagaarka Hoteelka Makah Al-mukaramah.

Ciidanka sidda gaarka ah u tababar ayaa wali ku jira howlgalka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in sidoo kale Ciidanka ay soo saareen labo ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay ka qeyb ka yihiin Kooxda weerartay goobta.