Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa u muuqda mid haatanba sii xaqiijiyay kooxda uu ku biiri doono Lionel Messi kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona.
Barcelona ayaa khamiistii xaqiijisay in wakhtigii Lionel Messi ee Barcelona soo dhamaaday iyada oo uu xiddigu isaga tagi doono kooxda kadib markii ay koxdu ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.
Xilli uu kulan la qaatay madaxweynayaasha kooxaha Juventus iyo Real Madrid ee Perez & Agnelli Laporta ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu ku biiri doono kooxda PSG maalmaha soo socda.
Waxa la maqlay Muuqaal uu Laporta ku yidhi”Messi waxa uu aadayaa PSG, Waxa aan doonaynay in aanu sii haysano laakiin Arintaas way nagu adkayd”.