Messi oo amaan kala dul dhacay Dambele

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay habeenki xalay ahaa kulamada La Liga Kadib markii ay 4-0 Ku garaaceen dhigooda Epanyol.

Labada ciyaartooy ayaa goolal dhaliye kulanki ay xalay kooxdooda guusha ku hogaamiyeen.

Laacibka reer France ayaa aad u soo jiitay indhaha caalamka iyo Kuwa Messi isagoo goolna dhaliye goolka sedexaadna ka caawiye Suarez, Ousmane Dambele ayaa ku lugyeeshay 8-gool sideedii kulan ee ugu dambeesay uu u ciyaaro kooxda Barcelona ( 3-gool Iyo 5-caawinaad).

Messi ayaa caawiye goolki uu dhaliyay Dambele Isagoo gooysmo qurux badan ku soo dhaafay daaafacyada kooxda Espanyol.

“Waa ciyaariyahan wanaagsan, waxa uu bahaan yahay in uu wax badan ciyaaro, waan u baahanahay isaga anaga” ayuu u sheegay marcca Messi.

Barcelona ayaa ku raaxeesaneyso guulaha waaweyn oo ay xilli ciyaareedkaan gaarayaan.