Maxkamadda Ciidamada oo Xirtay Taliyaha Booliiska Gaarka ee Wanlaweyn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xerada Balli-doogle ku xirtay Taliyaha Booliiska Gaarka ah ee degmada Wanlaweyn, Saleman Maxamed, sida ay xaqiijiyeen odayaal deegaanka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray taliyaha, balse dhowaan duleedka degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ka dhacay dil oday da’ ah iyo dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Nabadoon Axmed Maxamed (Gaambiya) ayaa Warbaahinta Risaala u sheegay in taliyaha uu afar maalmood ku xiran yahay xerada Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana aysan wali jirin faahfaahin ay bixiyeen hay’adaha amniga.

 

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Yaaqbariweyne, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal ay ku baadi-goobayaan raggii ka dambeeyay dilal dhawaan ka dhacay deegaankaasi.