Maxkamad Go’aan ka gaartay Abwaan Gabay ku dhaliilay Ciidanka Soomaaliland

Maxkamada Gobolka la yiraahdo Maroodi Jeex ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay Go’aan ka gaartay kiis loo heystay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo dhawaan Gabay ku dhaliilay Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta Maxkamada ayaa waxa ay sheegeen in Abwaanka lagu waayay dambigii loo heystay ee ahaa qodobka 269  ee xeerka ciqaabta guud oo ah inuu wax ka sheegay ciidanka Booliska,isla markaana xurriyadiisa la siiyey.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in Go’aanka Maxkamada uu ku gacan seyray Xafiiska Xeer ilaalinta,isla markaana uu racfaan ka qaatay siideyntiisa.

Hase ahaateee waxaa ku gacan-saydhay xafiiska xeer ilaalinta oo go’aankaasi abwaanka lagu siidaayey  ka qaatay racfaan.