Tababaraha cusub ee Arsenal Mikel Arteta ayaa booqday qolka labiska ka hor kulankii ay wiilashiisa barbaro la galeen Everton, wuxuuna ciyaartoydiisa galiyay dareen aan caadi aheyn.
Macalinkaan oo xilka loo magacaabay jimcadii ayaa talaabadiisii ugu horreysay ku qaaday markii uu dib ugu soo laabtay Goodison Park, inkastoo uu ciyaarta ka daawaday qeybta martida hadana qolka labiska ayuu oraahdiisa ku gudbiyay.
ciyaartoydii Arsenal kaliya laba kubad ayey goosha Everton aadiyeen, waxaana ka muuqatay dhiiranaan walow aad looga gacan sarreeyay, Calum Chambers ayaana ka sheekeeyay wixii ay kala kulmeen Arteta.
“Wuxuu kaliya naga rabay inaan noqono geesiyaal, inaan qaadano masuuliyad, si adag iskula shaqeyno” ayuu yiri Chambers oo la hadlayay BT Sport.
“Waan dareenay waana sameynay maanta, hadda waxaa soo socda wax badan, waan ku shaqeyn karnaa falsafadiisa iyo waxa uu doonayo inuu kooxda kusoo kordhiyo, waan hubaa, waan ku shaqeyn doonaa isbuucaan”



