Waxaa si rasmi ah u baaqday kulankii lagu madalsanaa in maanta oo Sabti ah isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Ajandaha kulanka uu ahaa ka hadalka kiiska la xiriira C/kariin Qalbi Dhagax oo Dowladda Itoobiya lagu wareejiyay.
Sababta kulanka uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay kooram la’aan, maadaama badi Xildhibaanada Wasiirada ah aysan soo xaadirin kulanka oo ay ka maqnaayeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa madasha ka sheegay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta, maadaama Kooramkii loo baahnaa aysan soo xaadirin.
Jawaari ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaanadii ka maqnaa fadhiga maanta lagu madalsanaa, kuwaasi oo aanan soo xaadirin kulankii maanta ee qorshaha uu ahaa in shaqooyinkii Baarlamaanka dib loo bilaabo.
Kooramka Sharciga ah ee kulamada Baarlamaanka ay ku furmaan ayaa wuxuu yahay 139 Xildhibaan, haddii ay soo xaadiraan 138 Xildhibaan, kulanka lama furi karo.
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay Xildhibaanada haaya xilalka Wasiirada inaysan soo xaadirin kulankii maanta.


