Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Dhiggiisa dalka Aljeeriya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun Waxaa uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa markii labaad

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha xilka haya ee Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune ayaa mar kale loo doortay xilka madaxweynaha , markii uu helay codadkii la dhiibtay 94.7 cod.