Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Madaxweyne Xasan sheekh iyo Safiirka Imaaraadka ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.
Imaaradka Carabta ayaa xiriirka kala dhaxeeyay Soomaaliya dib usoo celisay markii xilka madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh, waxaana weerarkii hore lagu dilay saraakiisha Imaaraadka ugu sareysay xerada Tababarta Ciidanka ee Jeneraal Gordon ayaa imaaraadku waxaa uu sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan baaritaaka weerarkaas sidoo kale uusan saameeyn ku yeelan doonin taageerada ay siiyaan dawlada Soomaaliya .
Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh xalay uu ku tagay a safaarada Imaaraadka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa imaaneysa iaydoo weerar kii ka dhacay xerada Jeneraal Gordon lagu dilay saraakiil katirsan Imaaraadka Carabta.