Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Safiirka Mareykanka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa khadka taleefonka kula hadlay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Larry Andre’.

Madaxweynaha iyo Danjiraha oo kulankooda ahaa isbarasho waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka,.

Dhanka kale Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka.

Wada-hadaladaan dhex-maray Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo Safiirka Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli degaannada Hir-Shabeelle ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.