Maxay doorashadaan kaga duwaneed doorahooyinkii hore ee Puntland?

Doorashadii Puntland ee shalay la soo gaba gabeeyay ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay dhaqdhaqaaqyada iyo howlaha kala duwan ee magaalada Garoowe, walina waxaa la dareemayaa raadkii doorashada.

Intii uu socday ol’olaha ayuu jiray culeyska ugu badan, waxaana waddooyinka laga dareemayay saxmad iyo ciriiri, iyadoo ay jirtay cabasho xoog leh oo ka imaaneysay shacabka.

Dadka dan yarta ah ayaa aad uga sheegtay tirada gaadiidka ku soo batay jidadka, halka ciidamada amaanka waddooyinkana ay aad u mashquuleen maalmahaas.

Sida ay sheegeen dad fara badan oo magaalada Garoowe ku nool, doorashadan ayaa ahayd mid ka saameyn badan aadna uga duwan doorashooyinkii hore ee Puntland ka dhici jiray.

Doorashadan ayaa sidoo kale Magaalada Garoowe u horseedday inuu u soo xaroodo dhaqaale fara badan.

Meelaha kale ee uu ciriiriga faraha badan ka jiray waxaa ka mid ahaa hoteellada la seexdo oo si aad ah loo buux dhaafiyay.

Hoolalka shirarka ayaa iyagana ka mid ahaa ganacsiyada sida weyn u macaashay intii lagu guda jiray ol’olaha doorashada.

Hase ahaatee, Saxmaddii ayaa hadda ka yaraatay magaalada waxaana aan jirin dabaal dagyadii iyo gawaaridii ay sameecadaha ku xirnaayeen ee dhex wareegi jiray magaalada, ka hor xilligii doorashada.