Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa hadiyad khaas ah gaadhsiiyey xiddiga xulka qaranka Qatar ee Almoez Ali oo dalkiisa ka caawiyey inay ku guuleystaan tartanka qaramada qaaradda Asia oo dhawaan lagu soo gabogabeeyey waddanka UAE.
Almoez Ali ayaa waxa uu ku guuleystay kabta dahabka ah ee tartankaas, waxaana uu dhigay rikoodh cusub kaddib markii uu dhaliiyey 9 gool toddobadii kulan ee dalkiisu ciyaaray, waxaanu sidaas ku dhaafay rikoodhka gool-dhalinta tartanka oo uu haystay halyeygii reer Iran ee Ali Daei oo sannadkii 1996-kii dhaliyey toddoba gool hal tartan gudihii.
Laacibkan oo u ciyaara kooxda Al-Duhail ayaa waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa Sudan, wuxuuse go’aansaday inuu u ciyaaro xulka qaranka Qatar, kaddib markii uu kasoo laabtay qaaradda Yurub oo uu u soo ciyaaray kooxaha Eupen, LASK Linz iyo Cultural Leonesa oo Spain ah, waxaana markiiba u suurtogashay inuu galo taariikhda qaaradda Asia xilli ay da’diisu tahay 23 jir oo uu rajaynayo inuu goolal kale dhaliyo.
Almoez Ali ayaa waxa la sheegay in maalmihii ka dambaysay dhamaadka tartanka uu xidhiidho badan ka helay kooxo Yurub ah, waxaana sidoo kale iska soo daba-dhacaysay amaan ballaadhan oo loo jeedinayey oo tii ugu muhiimsanayd uu ka helay tababarihii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Manchester United, Jose Mourinho.
Kooxda AC Milan ayaa la warinayaa inay indhaha la raacayso oo ay dersayso qaabkii ay ula soo wareegi lahayd xagaaga soo socda, hase yeeshee ma jiraan wax rasmi ah oo ku saabsan ciyaartoyga iyo xiisihiisa oo ka soo baxay dhinaca maamulka Milan.
Lionel Messi oo ku sugnaa magaalada Barcelona ayaa waxa uu usoo diray hadiyadda Almoez Ali, waxaanay noqotay mid lama filaan ah oo aad uga farxisay, taas oo markii uu furayna uu ugu tegay funaanadda lambarka uu ku ciyaarayey tartanka oo Barcelona ah, isla markaana uu dhabarka ka saxeexay Lionel Messi.



