Maxaad ka taqaanaa dalka ugu yar Adduunka?

Weligaa ma ku fikirtay in uu jiro wadan ka yar beerta nasashada New York dadka ku noolna ay ka yaryihiin tirro ahaan arday dhigato hal iskuul oo dugsi sare ah, Iyadoo laga eegayo balaca dhul ahaaneed Vatican City ayaa loo aqoonsaday in uu yahay dalka ugu yar adduunkaan aan ku noolnahay.

Waxaa kaloo la yaab leh ama cajiib ah in dalkaani ay ku hareersan tahay magaalada caasimada u ah Taliyaaniga ee Rome.

Vatican City waa dalka ugu yar dunida cabirka dhulkiisuna waa 0.2 square miles, waana xarunta uu fariisto baaderiga Catholic-ga ee markaas ah baaderiga xilka haayo waxa ayna fariisimo u aheyd laga soo bilaawo 1377.

Waxaa dal ahaan loo aqoonsaday 11 febraayo 1929 kedib dadaal dheer uu u galay baaderigii xiligaas ee lagu magacaabi jiray baaderi weyne Pius XI oo ugu dambeyntii madaxda iyo siyaasiyiintii Taliyaaniga ku qanciyay in dal ka madax banaan Taliyaaniga loo aqoonsado waxaana xiligaasi Taliyaaniga heystay Benito Mussolini.

Dadka aaminsan Catholic-ga ayaa u arka in dalkaan dunida ugu yar uu yahay goob barakeysan taasina  sabab u aheyd in Taliyaaniga ay uu siiyo  madax banaani.

WD: Ayuub Maxamed Axmed