Maxaa Saaka ka cusub Magaalada Gaalkacyo?

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ay ku dhaceen Madaafiic ay rideen maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Xaafada Garsoor oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay waxaa ku dhacay dhowr madfac sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan dalka Isugu taga imaaraadka Carabta waxaa heshiis ku wada gaaray Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug , waxaana arintu ay u muuqataa in uusan hirgelin heshiiskaasi.

Magaalada ayaa mararka Qaar waxaa laga maqlaaya Rasaas goos goos ah oo mararka Qaar ku dhaceysa Xaafadaha Qaarkood.

Rasaasta la sheegaya in tahay mid goos goos ah  sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka kunool xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa  ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo , mana jirto tilaabo lagu kala qaadaayo ciidanka  oo ay qaadeen maamulada Puntland iyo Galmudug.