Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lasoo wareejin doono maxaabiista ku xiran deegaanada maamulka Galmudug.
Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadkaasi ay helaan Cadaalad sax ah , iyo sidoo kale daryeel ku aadan noolashooda.
Axmed Cali Daahir oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in garsoore cadaalad ah ay heli doonaan maxaabiistaasi marka loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Magaalada Cadaado ayaa waxa ku xiran maxaabiis aad u farabadan , kuwaa soo qaarkood lagu eedeeyay in ay danbiyo kala duwan ay ka galeen deegaanada maamulka Galmudug , waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegaysa hada in ay muhiim tahay in dadkaasi ay helaan garsoor wanaagsan.
Shalay ayaa Magaalada Cadaado waxaa gaaray Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo sidoo kale xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir , waxaana lagu sheegay sababta ay u tageen in ay aheyd in ay maxaabiista ku xiran deegaanada maamulka Galmdudug ay u soo wareejiyaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.


