Xiddiga kooxda Barcelona Neymar ayaa jeclaan lahaa inuu Barcelona ku arko ciyaaryahanka kooxda Liverpool Philip Coutinho waa sida maanta lagu daabacay wargeyska El Mundo Deportivo oo kasoo baxa gobolka Catalonia.
Xiddigahan u dhashay dalka Brazil ayaa ah saaxiibo isku dhaw marka lagu guda jira garoonka, Coutinho ayaana dhawaan ku booqday kooxda Catalans ka ee Barcelona magaalada Manchester halkaas oo ay kula ciyaareen kooxda Sky Blues ka kulan ka tirsan wareega guruubyada koobka horyaalada yurub.
Dhanka kale Neymar ayaa bishii Septemeber ee sanadkii hore sheegay inuu jecel yahay in Coutinho uu kusoo biro kooxda Catalans ka ee Barcelona, balse xilligaas kooxda Blaugrana waxaa ganaax ka saarnaa suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.
Le10Sports ayaa aminsan in kooxda Liverpool ay dhigeeda Barcelona weydiisan doonta 75 Milyan oo Euro waa hadii ay dalab rasmi ah kasoo gudbiyaan xiddigii hore ee kooxda Inter Milna Philip Coutinho kaasoo bandhig wanaagsan ka sameynaya horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkaan.


