Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro kulanka Golaha loogana baahan yahay inay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan, iyada oo ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin.

1. Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed

2. Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha

Qeybin:
A) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Xisaab Xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022

B) Hindise Sharciyeedka Dib- u eegista Sharciga la- dagaalanka Burcad badeedka iyo ka hortaga Afduubka ee sharci Lr 36, 30 April 1975

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Kulamadooda Maalmahaan uu kooram la’aan u baaqanayay ayaa waxaa horyaalla Hindise sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo looga baahan yahay inay ansixiyaan.