Maxaa looga hadlay shirka Golaha wasiirada ee Maamulka Koofur Galbeed?.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed kaas oo ka dhacay aqalka madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Horumarinta adeegyada Bulshada, Dhaqaalaha iyo arrimo la xiriira Siyaasadda guud ee dalka, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Golaha Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla xukuumadda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku adkeeyey Wasiirrada muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Hay’adaha dowladda iyo dar-dargelinta barnaamijyada lagu Horumarinayo nolosha shacabka.