Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in ay galaan fasax dhan mudo Labaatan maalmood ah.
Xildhibaanada ayaa ku balamay 15-ka bisha August oo maanta ku beegan ilaa 6-da September in ay galaan fasax, maadaama Mudanayaal badan oo ka tirsan Baarlamaanka ay aadayaan Xajka, si loo soo cibaadeysto.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey) oo shir guddoominyay kulanka ayaa sheegay fasax kooban in ay galayaan xubnaha Baarlamaanka ee Golaha shacabka, fasaxooda kadibna ay soo laabtaan iyaga oo ilaalinaya waqtigii lagu balamay.
C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa dadka muslimiinta ah ee aadaya Xajka ugu duceeyay in acmaashooda uu Alle ka aqblao, wuxuuna tilmaamay Guddiyada Baarlamaanka in laga doonayo in ay si xoog leh u shaqeeyaan, inta lagu guda jiro fasaxa.
“Waxaan ku balansaneyn in 15-ka bisha oo maanta ah la fasaxo Baarlamaanka Soomaaliya, lana soo laabto 6-da September, dad badan waxay aadayaan Xajka, si loo soo cibaadeysto, waxaa noo soo baxday in kooramkii aanan la heleyn, maadaama dad badan ay xajinayaan”. Ayuu yiri Guddoomiye Muudey.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa soo laabanaya 6-da September oo ku baagan maalin Arbaco ah, xilligaasi oo ay guda geli doonaan howlo badan oo horyaalla.


