Dowladda Sacuudiga ayaa war kasoo saartay sababtii keentay in Markab siday Xoolo Soomaaliyeed oo dalkaasi dhawaan loo dhoofiyay dib loogu soo celiyo Dekedda Magaalada Boosaaso.
War kasoo baxay Waaxda Xanaanadda Xoolaha ee Wasaaradda degaanka dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay baaritaano ku sameeyeen Xoolaha laga keeno Soomaaliya.
Warka waxaa lagu sheegay in 27,000 oo ka mid ahaa Xoolihii lagu soo celiyay Dekedda Boosaaso laga helay Cudur.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Xoolahaasi laga helay Cudurka ku dhaca Xoolaha ee loo yaqaano (Rift Valler).
Hadalka dowladda Sacuudiga ayaa yimid ka dib markii dhawaan Markab siday 27,000 oo neef oo laga dhoofiyay Soomaaliya dib loogu soo celiyay Dekedda Boosaaso.


