Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha Garmalka kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u muuqata mid ku guulaysatay saxiixa Christian Pulisic.
Xidigan heerka caaalami ee reer America ayaa indhaha caalam markale soo jiitay kadib ciyaar qurux badan uu soo bandhigay kulankii ay xulkiisu la ciyaareen England.
Kooxaha xidigan raadinayay ayaana markale dib usoo celiyay dareenkooda iyaga oo saf dheer u galay sidii ay xidigan uga soo qaadan lahaayeen Brussia Dortmund.
Xidigan ku wanaagsan ka ciyaarista qadka dhexe iyo weerarka garabka midig ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay saxiixiisa isku haystay kooxaha Chelsea iyo Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa baahisay in Chelsea ay qarka u saarantahay in ay dhammaystirto saxiixa 20-jirka reer maraykan ee katirsan Brussia Dortmund.
Wargayska ayaana intaas kudaraya in Blues ay heshiiska xidigan soo idlayn doonto marka lagaaro bisha janaayo oo dib loo furi doono suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Xidigan dada yar ayaana la aaminsanyahay in tababare Maurizio Sarri u dooqanayo, maadaama uu yahay mid laqabsan qaab ciyaareedka tababarahan reer talyaani, isaga oo ku lammaanin doona N’Golo Kante iyo Jorginho.



