Maxaa ka soo baxay shirka deg deg ah ay yeesheen Golaha wasiirada ?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro Alshabaab ah iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.