Maxaa ka jira in Ciidamada AMISOM ka baxeen Saldhigyadooda qaar?

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Ururka Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa waxa ay  beeniyeen inay Ciidamada AMISOM ka baxeen Xarumaha qaar ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in muhiimada ugu weyn  ay tahay in Ciidamadooda ku dhaqaaqi doonaan Baraha ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Shaqada ugu weyn ee Ururka Midowga Afrika uu ka haayo Soomaaliya inay tahay sidii ay uga caawin lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka guuleysato Ururka Al-Shabaab, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadi doonaan xadgudubyada ay kula kacaan ururada ka dagaalama Soomaaliya sida, baada iyo dilalka joogtada ah.

“Ciidamada AMISOM kama bixin Somalia laakin waxaa jira qorsho dib u habeyn loogu sameynayo ciidamada si ay shacabka Soomaaliyeed u difaacaan.”

Warkaan kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka mid ah AMISOM ay ka baxeen Afar Saldhig oo waaweyn oo ku yaalla Gobolka Gedo.