Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka dhacay agagaarka hotelka wehliye ee Magalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari uu ku qarxay Maqaayad lagu Magacaabo Filsan oo u dhow Hotelka Wehliye ,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.
Uuro ayaa qaraxa kadib cirka isku-shareertay taas oo inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir laga arkayo.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiorisaala.com


