Kalfadhiga Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in kulanka uu maanta furmaayo ,islamarkaana looga hadlaayo Abaaraha ka jira degaanada maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhiga Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa Bilihii lasoo dhaafay ku maqnaa Fasax, waxaana ay soo eegayeen Xaalada degaanadii laga soo doortay


