DHAGEYSO: Al-Shabaab oo la wareegay degaan Baydhabo u jira 30 KM

Al-Shabaab ayaa la  sheegay in ay la wareegeen degaanka Goofgaduud  oo 30 Km u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegay degaanka Goofgaduud , laakiin abaabul ay sameeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa suurtagelisay in ay Al-Shabaab ka baxaan degaankaasi , islamarkaana ay gacanta ku dhigaan Marka kale ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay ,  waxaana taasi ay fududeysay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galaan  marka kale  degaanka Goofgaduud.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Al-Shabaab ay magaalada soo galeen Markii ay baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka koonfur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan abaabul dagaal ,islamarkaana ay dhawaan gaari doonaan degaanka Goofgaduud .