Isdiwaangelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa ka socota Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada, waxaana is diwaan gelinta ay bilaabatay Shalay.
Isdiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa ku eg Shanta bishaan.
Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 10-ka Bishaan.
Waxaa jira tiro ka badan 10 Musharax oo ilaa iyo hadda Shaaciyay in ay yihiin Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.


