Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan , halkaasi oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay xaalad adag oo dhanka amniga ah.
Shalay Magaalada waxaa kusoo dhacaayay Rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Puntland iyo Galmudug ay xalay Gaalkacyo Keeneyn ciidamo dheeraad ah , waxaana ciidankaasi ay saakay gaaf wareegayaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yasiin Axmed Tumay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan dadaalo lagu doonaayo in uusan markale dagaal ka dhacin Magaalada Gaalkacyo.
Waxgaradka iyo sidoo kale Culimada ayaa lagu wadaa in ay maanta markale kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.
Qaar ka mid ah goobihii Ganacsiga ayaa la sheegaya in ay xalay dib u furmeyn.
Waxgaradka gobolka Mudug ayaa shalay soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xalinaayo dagaalka Gaalkacyo.
1:- xabbad Joojin Rasmi ah.
2:- Ciidanka in la kala qaado.
3:- Wada hadal rasmi ah iyo Nabadeyn
Qodobadaasi Qaar ka mid ah ayaa la sheegaya in ay ka hirgaleen Magaalada Gaalkacyo , islamarkaana xalay aan xabado laga maqlin magaalada .