Maxaa hortaagan in Barcelona la wareegto Ciyaaryahan David Alaba?

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inaysan isku dayi doonin inay la soo saxiixato daafaca Bayern Munich David Alaba sababo la xiriira mushaharka ciyaaryahanka reer Austria.

Alaba ayaa ku jira sanadkiisii ​​ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa kooxda heysata Champions League, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka laabteen dalabkoodii ahaa inay qandaraaska u kordhiyaan 28 jirkaan, taasoo la micno ah inuu xor u noqon doono inuu baxo xagaaga soo aadan.

Ninka Bayern ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Bavaria muddo dhowr sano ah, laakiin Alaba mustaqbalkiisa ayaa u muuqda mid ka dhamaaday Allianz Arena, iyadoo Liverpool, Juventus iyo Real Madrid ay dhamaantood ku xiisaha kujiraan.

Si kastaba ha noqotee, Marca ayaa sheegeysa in Barcelona ay jeclaadeen Alaba, kooxda reer Catalonia ayaanan u tartameynin saxiixa ciyaaryahanka reer Austria.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barca – oo weli la xanuunsaneyso saameynta cudurka faafa ee coronavirus – aysan awood u laheyn inay bixiso mushaarka Alaba oo ah € 8m sanadkii halka ay weli isku dayayaan inay kala yareeyaan mushaar dhimista ciyaartoydooda haatan kooxda jooga.

Alaba wuxuu qeyb ka ahaa koxodii sagaal jeer ku guuleysatay Bundesliga intii uu joogay Bayern, halkaas oo uu ku faano 31 gool 394 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.