Mataano 97 sano jira oo qabaw ugu dhintay Maraykanka

Labo dumar ah oo mataano ah oo da’doodu tahay 97 jir ayaa u dhintay qabaw xad dhaaf ah iyaga oo ku sugan meel ka baxsan gurigooda oo ku yaalla gobolka Rhode Island ee dalka Maraykanka.

Booliisku waxay sheegeen in Martha Young Williams iyo Jean Young Haley ay Jimcihii ku kufeen wado yar oo aada gurigooda oo ku yaalla magaalada Barrington.

Waxaa arkay dariska Subaxnimadii Sabtida waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo lagaga dhawaaqay in ay geeriyoodeen.

Gabdhaha walaaladood ayaa sheegay in dumarkaasi ay u noolaayeen si qurux badan ayna ahaayeen dad naxariis badan.

War ay soo saareen qaraabada haweenka geeriyooday ayaa Isniintii lagu sheegay in ay dhiirigalin ahaayeen marka la fiiriyo sida ay niyadda ugu hayeen nolosha.