Mas’uul Sare oo Maanta Muqdisho kusoo wajahan

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u xaqiijiyay in Gudoomiyaha U jeedka uu u imaanaayo Muqdisho in ay tahay Abaaraha ka jira Soomaaliya  iyo sidoo kale dardar Gelinta Howlgalka AMISOM.

Waxaa lagu Wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net