Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhalinyarada kunool gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada ay yihiin Udub dhexaadka Bulshada .
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhalinyarada gobolka Hiiraan in laga doonaayo in ay muujiyaan Kaalintooda ku aadan Xaqiijinta Ammaanka.
Sidoo kale waxaa uu dhalinyarada ka codsaday in ay ka qeyb qaataan suggitaanka Amniga magaalada Baledweyne.


