Dawladda Maraykanka ayaa liiska Madow (black list) ku dartay waddanka Saudi Arabia kaddib markii laba sannadood ka hor ay sameeyeen ficil layaab lahaa oo ay qaab budhcadnimo ah uga baahiyeen telefishan ku yaalla dalkaas ciyaaro toos ah.
Saudi Arabia ayaa telefishanka beIN Sports ka xadday baahinta sannadkii 2017, waxaanay dhegaha ka furaysatay baaqdo dunida oo dhan u dirtay oo ahaa inay joojiyaan falka budhcadnimada ah, taas oo keentay in horyaallada ciyaaraha kala duwan ee dunida iyo tartan ciyaareed oo kasta uu kasoo saaro fal cambaarayn ah.
Waddanka Maraykanka ayaa shalay soo saaray go’aan uu liiska madow ugu darayo janalka beoutQ ee Sucuudiga oo gacan iyo garab ba ka helayay masuuliyiinta dawladda oo ay waqtigaas is hayeen Qatar.
Waaxda Ganacsiga ee USTR ee Maraykanku waxay Saudi Arabia ku dartay liiska waddamada tuugada ah ee sida gaarka ah loola socdo, kaas oo ay hore ugu jireen China, Indonesia, Russia iyo Venezuela.
Arrintan oo dhibaato hor leh ku noqonaysa mashruucii lacagta badan ku baxaysay ee Sucuudigu ku iibsanayay kooxda Newcastle United ayaa waxay keenaysaa in Premier League iyo dawladda Ingiriiskuba ay ka fiirsadaan caqabadda ka dhalan karta haddii ay kooxdan iibsadaan.



