Ciidamada Ammaanka dalka Masar ayaa Xabsiga dhigay in ka badan 13 qof oo lagu tuhmaayo in ay qorsheynaayeen in ay weeraro ku qaadaan Kaniisad ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay.
Ciidamada Booliska ayaa sheegay in dadkaasi qaarkood lagu qabtay Qalabkii ay doonaayay in ay Weerarka ku geystaan.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Masar ayaa baahisay in Ciidamada Ammaanka dadkaasi ay ku qabteen Gobolka ku yaalla Waqooyiga.
Sidoo kale gobolka Alxandaria ayaa waxaa lagu qabtay 4 qof oo isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.
Ammaanka Kaniisadaha ayaa si weyn loo adkeeyay tan iyo markii Kooxda Daacish ay laba jibaartay Weerarada ay ku qaadayso dalkaasi.
Dalka Masar ayaa ku jira xaalad deg deg ah.



