Markab laga badbaadiyay Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida

Taliska ciidamada badda ee Marcos ayaa Jimcihii fashiliyay isku day afduub oo kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay doonaayeen in ay ku Afduubtaan Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Markabkaan ayaa waxaa saarnaa 26 shaqaale ah, waxaana uu maraayay Gacanka Cadmeed.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa la sheegay in ay Weerareen Markabkaasi waxaana howlgalka la-dagaallanka burcad-badeeda ay si deg deg ah uga jawaabeen Weerarkaasi , waxaana ay ku guuleysteen badbaadinta Markabkaasi iyo sidoo kale Shaqaalihii saarnaa.

Ciidamada Badda waxa ay sheegeen in ay  bartilmaameedsatay Markabkaasi dooni  ay saarnaayeen 12 burcadbadeed ah.

“Isku dayga burcad-badeednimada Waxaa lagu soo badbaadiyay markabka Hindiya MV Jag  12:30 galabnimo iyo INS Trishul, si dhakhso ah ayaa uga jawaabnay falka ay geysteen Kooxaha Burcadbadeeda” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Badda Captain DK Sharma.

Dhamaan 26 kamid ah xubnaha shaqaalaha Hindiya ee saarnaa Markabka Hindiya ayaa ammaan ah.