Markab ku Qarxay xeebta Caluula

Caluula-RisaalaFM- Markab nuuca Dagaalka ah ayaa ku Qarxay meel qiyaastii 44-kM ujirta xeebta degmada Caluula ee Gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen Qaraxa in uu ka dhex dhacay Markab, ilaa hadana aanan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegaya inay arkaan labo Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah, kaas oo u soo gurmaday halkii uu Markabka ku degay oo degaanka Murcanyo u jirta illaa 4 mile.

Maraakiib kuwa dagaalka oo ka socda dhowr dal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo kula dagaalamaya burcad badadeedka.