Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan degaanka Cali-fooldheere ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal culus.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ururka Al-shabaab, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. C/laahi Cali Caanood ayaa horkacaya Ciidamada Howlgalada ka wada degaaada gobolka Shabeelaha Dhexe, hadana la dagaalamaya Shabaabka.
Gen. C/laahi Cali Caanood Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay Howlgaladan ka socda Shabeelaha Dhexe in ay yihiin kuwo qorsheysan oo Shabaab looga saarayo degaanada gobolkaasi.
Dadka degaanka ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in ciidamada ay la wareegeen degaanka Cali-fooldheere iyo degaano kale.


