Muqdisho-RisaalaFM- Saameyn badan ayuu Maqnaanshaha Internetka ku yeeshay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, kadib markii sida la sheegay cilad uu ku yimid adeega Internetka ee Shirkadda Viber Optic.
Shaqooyin badan oo muhiim ahaa ayaa ku xaniban Inetnerka, maadaama Shirkadaha qaar shaqooyinka ay qabtaan ay ku xiran tahay aalada Internetka.
Xilligan oo duniada horumaro kala duwan ku tilaabsanayso ayaa Soomaaliya waxyaabaha ay ku horumartay waxaa ka mid ah adeega Internet-ka inkastoo maqnaanshihiisa hadda lagu sababeeyay dib u dhac, maadaama hal shirkad oo kaliya la isku koobay Internetka, taasi oo ah Viber Optic marka uu cilad ku yimaadana gabi ahaanba la waayo Internetka.
Dhalinyarada Magaalada Muqdisho oo si weyn u isticmaala Internetaka ayaa waayay maalmahan barahii Bulshada isticmaalkiisa waxaana ay ka hadlayaan sida ay arkaan maqnaanshaha Internetka-ka.
Dadka sida aadka ah uu u sameeyay Internetka waxaa ka mid ah Bahda Qoraalka saxaafadda, gaar ahaan kuwa warbixinada iyo wararka ku qora Website-yada waxaana ay sheegeen in tani ay muujinayso dib u dhac ku yimid shaqadooda, maadaama Intenerka uu ciladeysan yahay.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in qadka uu ciladeysan yahay, kadib markii Viiladii uu jiray markab, sameyntiisa ay suuragal tahay muddo isbuuc ah inay qaadato.



