Maxaabiis laga sii daayay xabsiga dhexe

Muqdisho-RisaalaFM- 13 Maxaabiis ah oo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu u fidiyay Cafis Madaxweyne, ayaa maanta si rasmi ah looga sii daayay xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Xuseen Xasan, ayaa sheegay maxaabiistaan inay u xirnaayeen arimo ku saabsan daymo yar yar oo lagu lahaa, Madaxweyne Farmaajana uu gartay inuu ku sii daayo cafis Madaxweyne.

Taliyaha ayaa kula dar daarmay maxaabiista la sii daayay inaysan dib dambe ugu kicin xadgudub daymo iyo lacago ay xadaan intaba, maadaama hadda ay dib u heleen xuriyadooda.

Mid ka mid ah maxaabiista la sii daayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maanta inuu dib u helo xuriyadiisa, isaga oo sheegay in uga mahad celianaayo Madaxweyne Farmaajo cafiska uu u fidiyay,.