Xaguu ku dambeeyay El Hadji Diouf

El Hadji Diouf halyay ayuu ka yahay Senegal. Meelkaste oo uu istaagana waxaa ku soo xooma taageereyaal isugu jira dhallinyaro iyo waayeel.

Dadkiisa ayaa wali abaal uga haya siddii wanaagsanayd ee uu uga soo dhalaalay intii uu socday Koobkii Adduunka ee 2002dii lagu qabtay Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Laakiin England markay timaado waxaa lagu xasuustaa dabeecadihiisii layaabka lahaa si ka badan sida loogu xasuusto xirfaddiisii kubadda.

Sifadaas ayaa la socotay intii uu u ciyaarayay kooxaha Ingiriiska isaga oo u soo saftay Liverpool, Blackburn Rovers, Bolton Wanderers iyo Rangers.

Diouf ayaa marar badan isku taagi jiray garsooreyaasha iyo ciyaartoyda ay is hayaanba.

Laakiin hadda ciyaarihii wuu ka fariistay, waayihiisii ayuuna nooga sheekaynayaa