Maxkamad ku taalla Dalka Mareykanka ayaa sarkaal cadaan ah oo kamid ahaa ciidamada Booliska dalkaasi ku xukuntay Lix sano iyo Sagaal Bilood oo xabsi ah, waxaana intaas usii dheer in labbada sano ee ugu horeysa xili xabsiyeedkiisa uu ku qaato xabsi dhaqan celin ah.
Jason Van Dyke oo ah askariga maxkamada xukuntay ayaa waxa uu dilay sanadkii 2014’kii Laquan McDonald, oo ahaa wiil dhalinyaro Mareykanka Madoow ah, kadib markii ay murmeen.
Maxkamadeyntaani ayaa waxa ay noqotay midii ugu horeysay tobanaankii sano ee ugu dambeeysay ka dhacdo Magaalada midab takoorka ku caanbaxday ee Chicago, waxaana u sabab ah in cadaanka iyo madoowga degan magaaladaani aynan isku meel ka dagin magaalada oo ay kala qeybsanyihiin.
Jason Van ayaa waxa uu 20’kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2014’kii dhowr iyo toban mar xabad ku riday Laquan McDonald isaga oo doonayay in si bareer ah uu u toogto, waxaana ugu dambeyn Laquan McDonald haleeshay qaar kamid ah risaasta uu kusoo furay Jason.
MR Van iyo saraakiil kale oo cadaan ah ayaa ku dooday in uu is difaacayay kolkuu tooganayaayey wiilka Madoowga ah, hase ahaatee waxaa mar dambe la helay Muuqaal ay duubtay kaamerada qarsoon, waxaana muuqaalkaasi laga dheehan karay in si bareer ah uu u toogtay wiilka Madoow ee uusan is difaacid ka aheyn.
Askarta cadaanka ah ayaa badi ku dooda in dhalinta madoowga ah ay dilaan ay iyagu iska difaacayen hase ahaatee waa khiil qofkasta uu fahmi karo in uu yahay mid been abuur ah oo lagu doonayo in lagu baneysto dhiiga dhalinta madoowga ahi.
Muuqaalka qarsoodiga ah ee kaamerada qarsoon ay ka duubtay sarakaalka cadaanka ah oo dilaya wiilka Madoow ee lagu magacaabi jiray Laquan McDonald, ayaa goor dambe aad u baahay oo baraha bulshafda ku faafay, waxaana ka dhashay banaanbaxyo xoogan oo ilaa mudo sanad ah ka socday Magaalada Chicago.
Arrinta murugada leh ayaa waxa ay tahay in eedeysanayaasha lagu maxkameeyo Chicago qirtana in dambiga lagu eedeeyay ay geysteen, ay kaliya kala bar inta lagu xukumo xabsi ku qaadanayaan, matalan Jason Van Dyke oo ah sarkaalka cadaanka ah ee toogtay wiilka madowga ah waxaa lagu xukumay Lix sano oo xili xabsiyeed ah, hase ahaatee waxa kaliya ee uu xabsi ku qaadanayaa Saddex sano oo kamid ah Lixdaasi sano.
Waxaana xukun fududeyntaasi eedeeyay hay’addaha u dooda xaquuqda dadka madoow oo sheegay in sharciga loogu hiilinayo cadaanka oo iyagu had iyo jeer tacadiyo u geysta dadka madoow.
XIGASHO: Aljazeera TV.



