Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyay G/Hiiraan

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah Uruka Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 ka mid ah  Al-Shabaab, iyada oo wax khasaare ah aysan kasoo gaarin shacabka.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox  ka tirsan Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan.

“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno saaxiibadeenna Soomaaliiya, gaar ahaan marka howl-galladooda ay na siiyana fursad aan dagaalka ugu billowno Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah xeeladdeena” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada uu la beegsado xarumaha Al-Shabaab,waxaana duqeymihii u dambeeyey uu ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.