Mareykanka oo war ka soo saaray doorashada Koonfur Galbeed

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay taageereyso doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee 17-ka bisha soo socota November ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay Mareykanka inuu soo dhaweynayo inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee todobaadkii tagay looga dhawaaqay magaalada Baydhabo.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu rajeynayo inay si wanaagsan ku qabsoonto doorashada, islamarkaana aanu dhicin is qabqabsi.

Ololaha doorashada madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si habsami leh uga socota magaalada Baydhabo, xilli magaaladaasi ay ku sugan yihiin musharaxiin badan.