Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen saldhig ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunya Barow.
Mareykanka ayaa sheegay duqeyntan oo dhacday 25-kii bishan inuu ku dilay Laba xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen duqeyntaasi.
Taliska AFRICOM ayaa qoraalkiisa ku sheegay Duqeyntan in ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya, islamarkaana ay sii wadayaan duqeymaha nuucaan oo kale ah.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.



