Mareykanka oo sheegay inay dileen nin Shabaab ka tirsanaa

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Muqdisho-RisaalaFM- War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay nin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah ka soo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow degaanka Toora-toorow ee koonfurta Soomaaliya.

War-saxafadeedku waxaa kale oo uu sheegay in weerarka la qaaday kadib markii iskaashi lala sameeyey xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabaab oo ay ku jiraan weerarada uu ururkaasi dhawaan ku qaaday ciidanka Soomaaliya.

“Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aan la leenahay Soomaalida iyo xulufadeena si aan u burburino Al-Shabaab, islamarkaana aan kaalin uga geysano deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

XIGASHO:- VOA